Kulan albaabada u xiran oo u dhexeeya Sharif & Xasan Sheekh

Waxaa xilligan kulan albaabada u xiran yahay uu u socdaa Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Xisbiga Ilays C/qaadir Cosoble iyo xildhibaano ka tirsan labada gole.

Kulankan oo ahaa mid la sii hadal hayay ayaa ka dambeeyay dhacdadii maanta ka dhacday Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee lagu xanibay diyaarad u qaadi laheyd Sheekh Shariif magaalada Kismaayo.

Wararka ayaa sheegaya in looga hadlayo dhacdadaas iyo arrimo kale oo quseeya xaalada dalka uu marayo, waxaana kulankan uu ku soo aaday xilli xasaasi ah oo dalka ay ka jiraan xiisado siyaasadeed oo u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada.

Tallaabadii saaka lagu xanibay diyaaraddii Sheekh Shariif u qaadi laheyd Kismaayo ayaa ka dhashay xaalad, waxaana taasi ay keentay in kulan degdeg ah ay qaban qaabiyaan Xisbiyada siyaasadda oo looga arrinsanayo qaabka loola dhaqmay Madaxweyne hore.

Dhinaca kale warar kale ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu ka dalbaday Ergadii uu hoggaaminayay Wasiirka Amniga Islow Ducaale ee ka socday Xukuumadda laga dalbaday in dowladdu raalli gelin cad ah ka bixiso tallaabadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here