Kulamo xasaasi ah oo dhexeeya gudiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta barlamaanka Puntland iyo musharixiinta madaxtinimada,ayaa waxaa ay ka soconayaan Magaalada Garoowe Ee Xarunta Maamulka Puntland.
Warar hoose ayaa helaya in gudigu musharixiinta ku qancinayaan inay waajibaadkooda u gudan doonaan sida ugu wanaagsan oo aan eex lahayn aysanna garab siin doonin madaxweynaha Puntland oo lafilayo inuu xilka isu sharaxo.
Kulamadaan oo ilaa gelinkii dambe ee shalay ka socdey xarunta golaha shacabka oo gudigu si kumeel gaar ah ugu shaqaynayaan ayaa waxaa kula sugan tiro kamid ah 16 musharax oo horay u qaadacay gudiga markii madaxweyne Gaas magacaabay.
Musharaxiinta Doorashada Puntland ayaa waxaa ay sameeysteen Gole isbedek kuwaasi oo ay ku sheegeen in mid ilaalinaya danaha puntland