Kulamo Wadatashiyo ah oo u socda madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug

Reading Time: < 1 minute

Waxaaa magaalada Dhusamareed ka socda kulamo wadatashiyo ah oo u dhexeeya Madaxda Sare ee Galmudug. Kulamadaan ayaa looga hadlayaa culeysyada siyaasadeed ee soo foodsaaray Dowlad Goboleedka Galmudug.

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya magaladda Dhusamreeb Hoggaamiyaha Sare ee Ahlusunna  Wajameeca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa kulan albaabada u xiran yihiin ka dalbadey baarlamaanka Galmudug. Shirka ayaa waxa ka qayb galaya xubnaha baarlamaanka Galmudug ee ku sugan magaalada Dhusamareeb.

Madaxda Galmudug iyo hogaanka Ahlusuna Wajameeca ayaa waxaa ay ka hadlayaan sida loo wajihi  lahaa go’aanada daan-daansiga ah ee ka soo baxay Wasaarada Arimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya.

Shalay ayay aheyd markii Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geele Xaaf uu dib ugu laabtay magaalada Dhuusa Mareeb, isagoona halkaasi ka sheegay inuu ka soo horjeedo go’aankii ka soo baxay Wasaaradaha Arimha Gudaha Soomaaliya, islamarkana Galmudug ay isku tashatay sida uu hadalka u dhigay