Sacadihiii la soo dhaafay waxaa magaalada Muqadishu ka socday kulamo gaargaar ah oo u dhaxeeyay Gudoomiye Mursal iyo Kooxda Farmaajo oo isugu jira Fahad iyo Kheyre. Kulamadaas ayaa la doonayay in lagu qanciyo Gudoomiye Mursal in uu taabagaliyo rabitaanka Dowlada Fedaraalka ha noqoto arimaha dooarashda Koonfur Galbeed ama arimaha la xiririka Gudiga Maaliyadda ee Baarlamaanka.
Farmaajo ayaa istimaalaya shaqsiyaad iyo kooxo ku dhaw-dhaw gudoomiyaha si ay culays u saaraan gudoomiyaha. Sidoo kale Farmaajo waxa uu kaalmo ka raadiyay dowlada Turkiga in ay ku qanciso Gudoomiye Mursal in uu ka tanaasulo sharuudaha uu ku xiray dowlada. Dhamaan da’daalaas ayaa noqdya kuwa aan miro dhalin.Gudoomiyaha ayaa ku adkeysaty in sharciga lagu kala baxo. Dhanka kale Farmaajo ayaa u balan qaaday Gudoomiyaha in taliyaha ciidanka Nabadsugida Qaranka uu isaga keensado isla markaana lagala tashan doono dhamaan arimaaha la xirira dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Sida muuqata waxaa maalmaha soo socda la dardar galin donaa mooshino ka dhan ah dowlada Farmaajo hadii ayan wax ka badlin caqliga ku dhisan burburinta iyo kala dirka Dowlad Goboleedyadda.