Kudlada Musharaxiinta Jubbaland oo diiday in la badalo jadwalka doorashada

Qoraal ka soo baxay  Kudlada Musharaxiinta  Doorashada Jubbaland ee sida sharicaga ah isku diiwan galisay ayaa ka horyimid fakarka lagu  doonayo in dhowr maalin  oo dheeraad ah lagu daro xiliga doorashada isla markaana loo furo musharaxiintii ka biyo diiday in ay isdiiwaan-galiyaan.

Kudlada ayaa qoralakooda ku yiri “ waxay aad uga xun yihiin in guddiga Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland ay ka gaabinayaan inay nala tashadaan waxna naga weydiiyaan geeddi socodka iyo habraacyada doorashada oo ah mid aan xaq u leenahay kadib markaan soo buuxinay shuruudihii musharaxnimo ee nalooga baahnaa”.

Kudlada  ayaa ku eedeysay Gudiga Doorashad Jubbaland in ay waqti ku luminayaan shaqo aan loo dirsan oo ka baxasan howlihii loo xilsaaray.

“Waxaan aad uga xunnahay in guddigu aysan txigalin dheeri ah siinin musharaxiinta is diwaangalisey ee sharciga ayna u muuqdaan kuwa waqti badan ku bixinaya siyaasad iyo hawlo kale oo aan dan u ahayn geeddi socodka doorashada.”
Ayaa ay yiraahdeen musharaxiintu.

Musharaxiinta oo ka kooban lix musharax ayaa diiday in fursad kale la siiyo dad aan rabin ama ayan daacad ka ahayn ka qayb galka doorashada Jubbland.

Halkaan ka aqriso qoraalka kudlada musharaxiinta oo dhamaystiran:

Open letter to JSS and JIBEC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here