Ku dhawaad 100 ruux oo ku geeriyootay Dab ka kacay Dalka Pakistan

Reading Time: < 1 minute

Ugu yaraan 65 qof oo rakaab ah ayaa dhintay markii tareen ay ku safrayeen oo u kala gooshayay magaalooyinka Karachi iyo Rawalpindi ee dalka Pakistan uu dab qabsaday.

Wasiirka tareennada, Sheekh Rashiid Axmed, ayaa sheegay in dabka uu ka dhashay gaaska lagu karsado cuntada oo qarxay kaasoo ay quraac ku karsanayeen qaar ka mid ah rakaabka.

Dabka ayaa loo malaynayaa inuu ku faafay ugu yaraan saddex qeyb oo tareenkaasi ah.

Sida ay sheegayaan warbaahinta maxalliga ah oo soo xiganaysa saraakiisha, inta badan dadku waxa ay dhinteen mar ay isku dayayeen inay ka boodaan tareenka gubanaya.

Ugu yaraan 30 qof oo kale ayaa lagu soo warramayaa inay dhaawacmeen, saraakiishuna waxa ay sheegayaan in tirada dhimashada ay weli sii kordhi karto.

Waxaa qarxay laba gaaska lagu kariyo cunnada. Cuntaa lagu karinayay oo saliiddii cunnada lagu karinayay ayaa dabka sii kicisay,” Sheekh Rashiid Axmed, wasiirka tareennadaa ayaa sidaasi yiri.

Waa dhibaato joogto ah in rakaabka ay gaaska cuntada lagu karsado la soo raacaan tareenka si ay cunno ugu karsadaan safarka dheer ee ay jarayaan, wasiirka ayaa intaasi ku daray.

Shilka ayaa waxa uu ka dhacay meel u dhaw magaalada Rahim Yar Khan ee koonfurta gobolka Punjab.