Kororka miisaaniyadda 2022: Isbedelka saamiga amniga iyo difaaca

Reading Time: 2 minutes

Labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa dhammaadka bishii June ansixisay miisaaniyadda sannadkan 2022 oo noqoneysa tii ugu badneyd taariikhda. Miisaaniyadda oo kharash ahaan dhan USD $918.7, ayaa 37% boqolkiiba ka badan miisaaniyadda sannadkii hore ee 2021 oo aheyd $671 milyan.

Si guud, miisaaniyadda federaalka ayaa sare-u-kac xoog leh samaysay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay, haddana waxaa hoos-u-dhacayay saamiga boqoleeyda ee kharashaadka amniga iyo difaaca.

Saamiga amniga iyo difaaca

Sannadkan 2022, amniga iyo difaaca waxaa loo qoondeeyay kharash u dhigma boqolkiiba 18% (ama $167.6) wadarta guud, waana qeybtii ugu yareyd marka loo barbardhigo miisaaniyadda sannadkii 2017 oo ahayd boqolkiiba 34% (una dhigantay $90 milyan).

Inkasta oo tiro ahaan ay korodhay miisaaniyadda amniga iyo difaaca, maadaama ay korodhay tirada ciidamada sannadihii la soo dhaafay, haddana cadadka loo qoondeeyey difaaca ayaa hooseeya marka loo eego qaybaha kale ee dowladda, iyadoo waddanku yahay mid dagaal ku jiro.


Warbixin sannadkeedka miisaaniyadda ayaa lagu caddeeyay in mudnaanta koowaad ee dowlada ay tahay awood-siinta amni hubban, haddana kharash-qaybeed ku filan looma qoondeeynin howlgallada lagula dagaallamayo kooxaha dowladda ka soo horjeeda.

Amniga iyo Madaxweyne Xasan Sheikh

Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh oo todobaadkii hore khudbad ka jeedinayay munaasabada mu’asasada cilmi-baarista siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshada ee Turkiga, ayaa sheegay in dalka hadda uusan ku jirin “waqtiga saxda ah” ee uu kula xaajoon karo Islaamiyiinta xiriirka la leh al-Qaacida sida al Shabaab, isagoo dhaliilay siyaasada dowladii hore ee lagu wajahay la-dagaallanka kooxahaasi.

Amniga ayaa ah caqabadda ugu weyn ee ay wajahdo dowlad kasta oo Soomaaliyeed. Ciidanka qaranka  oo ay caawinayaan 22 kun oo askari oo ka socda Midowga Africa, ayaa muddo ka badan 10 sannadood awoodi la in ay ka adkaadan kooxahaasi.

Maxamed Xuseen oo ah falanqeeye arrimaha siyaasadda ayaa aaminsan in walaaca amniga uu taagnaan doono ilaa inta qoondada miisaaniyadda ee amniga iyo difaaca ay tahay mid ugu hooseysay.

“Maanta waxa ugu weyn ee Soomaaliddu ay hadal heyso waa amniga, haddana dhaqaallo badan laguma bixin, waxaana muuqata in aan loo diyaarsaneen”, Maxamed wuxuu hoosta ka xariiqay in boqlkiiba 70 ay aheyd in amniga la siiyo, isagoo madaxda dowladda gaar ahaan madaxweynaha iyo baarlamaanka u soo jeediyay in khudbadahooda sugida amniga dalka ay ka dhabeeyaan.

Sida kharashka loo isticmaali doono

Wasaaradda Difaaca ayaa si guud loo qoondeeyay USD$ 97.6 milyan, halka Wasaaradda Amniga oo ay ka mid yihiin hay’adaha booliska, nabad sugida iyo socdaalka loo qoondeeyay kharash dhan USD$ 70 milyan.

In ka badan 80% (ama US$ 134.8 milyan) kharashka amniga iyo difaaca waxaa lagu bixin doonaa mushaaraadka iyo gunnooyinka shaqaallaha, halka inta soo hartayna lagu bixin doono iibka iyo adeegyada joogtada ah.

Xildhibaannada labada gole ee baarlamaanka oo 30-kii bishii June yeeshay Kalfadhiga 1-aad kulankiisa 9-aad, ayaa ansixiyay miisaaniyadda 2022, kaddib markii ay u codeyeen 204 mudane, halka labo mudane ay diideen, labo kalena ay ka aamuseen. Miisaaniyadda ayaa la filaya in uu saxiiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud, si ay sharci u noqoto.