Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM ayaa gaaray deegaanka Budbud oo Hoos taga Degmada Ceeldheer Ee Gobolka Galgaduud, iyadoo gudaha degmadaas laga dareemayo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan xoogagga Al-shabaab.
Sarkaal u hadlay ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamadooda ay Si buuxda gacanta ugu dhigeen Deegaanka Budbud islamarkaana ay saacadaha soo socda si buuxda ula wareegi doonan Degmada Ceeldheer.
Kornel Tareedisho ah sargaal hogaaminayo Dagaalkaasi ayaa Laanta Af-soomaaligga Ee VOA-da u sheegay in ay la wareegeen Deegaankaasi Bud-bud
Al-shabaab ku xoogan Qeeybo ka mid ah Degmooyinka Gobolka Galgaduud sida Ceeldheer iyo Ceelbuur,dhowr jeer ayeey sidaan oo kale Ciidamadu ugu dhawaadeen Ceeldheer Walow aysan Gudaha u galin