Kornel C/laahi Xassan Bariise oo Ilmo Adeer la ah Kheeyre oo Awooda Dekadda Muqdisho loo Gacan Galiyay”

Reading Time: < 1 minute

Waxa xoogeysanaya shaqsiyadka qaabka qabiil logu dhiibo xilalka dooladeed tan 8 Febraayo Doorashadi Madaxweyne Farmaajo waxa sido kale daba socda kalsooni iyo cabsi la’aan ay ku sameystaan wax walibo oo ay doonaan.

Kornel C/laahi Xassan Bariise oo Ilmo Adeer la ah Raii’sul Wasaare Kheeyre aya gacanta lo galiyay awooda Dekeda Magaalada Muqdisho isago u isticmaala habka uu doono.

Kornel C/laahi Xassan Bariise aya Taliyaha hogaanka Baarista Dekadda Muqdisho waxaana uu halkaasi ka sameeya musuq maasuq iyo wax is daba marin.

Alaabta ka soo dagta Dekadda aya kuso baxda amarkiisa isago oo ganacsatada u kala xagliya waxaana inta badan alabadooda si shuruud la’aan ah logu fududeeya ganacsatada qaraabada ay yihiin.

Waxa uu Jaajuus u yahay Raii’sul Wasaare Kheeyre si uu ula socdo dhaqdhaqaaqa Dekadda iyo waxyaabaha la halmaala ee dekadda ka socda.

Mudane Kheeyre aya xarumaha ugu muhiimsan ee dalka Xilal ka siiyay Shaqsiyaas ay qaraabo dhaw yihiin oo ku heyb ah kuwaasi oo Jaajuusiin u ah dhaqdhaqaaqa Xarumahasina ogeysiiya.