Wararka inaga soo garaya Magaalada Muqdisho aya shegaya in duhur nimadii Manta ay kooxo hubeysan ay ku toogten Degmada Yaqshid sedex ruux oo mid ka mid ah uu aha Askari ka tirsan Ciidanka Dowlada.
Dilka aya la shegay in uu ka dhacay Labaajada Mahad Alle oo ka tirsan dagmada Yaqshiid waxana la shegay in ay dilka geysten rag ku hubeysan Bastoolado.
Ragan Ku hubeysna Bastoladaha aya la shegay in ay toogashada askari ka dib ay qaateyn Qorigiisa iyo Booshkisa waxana sido la shegay in ay Toogten laba ruux oo halkasi ka agdhawa kuwaasi oo la shegay in ay arkayeen marka uu falka dhacayay.
Mudoyinki danbe waxa so badanayay dilalka qorsheysan oo ay geysanayan Kooxda al shabaab kuwasi oo sare u qaday weerarada togashada ah iyo qaraxyada.