Kooxo Ku Hubeysan Bastoolado oo Muqdisho Dil Ka Geystay

Reading Time: < 1 minute

Kooxo hubeysan ayaa goor dhow dil ka geystay Xaafadda Siigaale degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Dilkan ayaa waxaa la sheegay in ay ka dambeeyeen Rag ku hubeysnaa Bastoolado, kuwaas oo goobta isaga baxsaday.

Waxaana dilkaasi uu ka dhacay maqaaxi ku taalla Wadda isku xirta Isgoysyada shaqaalaha iyo KPP ee magaalada Muqdisho.

Lama oga illaa iyo hadda waxa ahaa shaqsiga dilka loo geystay, balse Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goobta soo gaaray, kuwaas oo baaritaano ka sameeyay qeybo ka mid ah degmadaasi Hodan.

Mudooyinkii dambe ayaa waxaa M/ Muqdisho ka dhacayay falal liddi ku ah ammaanka, sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan, kuwaas oo qaarkood ay sheegteen Xarakada Al Shabaab.