Kooxo Ku Hubeysan Bastoolado oo Caawa Dil Ka Geystay Magaalada Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Kooxo ku hubeysnaa Bustoolado ayaa Caawa degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir waxa ay ku dileen wiil Dhalinyaro ah oo Goob Istudio ah ku lahaa degmadaas.

Wararka aya shegaya in Goobtiisa Ganacsi lagu toogtay,waxana la sheegay in uu ahaa mid caanka ahaa degmada Boondheere waxana Magaciisa lagu soo gaabiyey Halooyeelo.

Dilka oo ka dhacay Dalcada degmada Boondheere ayaa waxaa ka soo baxaya Warar kala duwan dadka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in markii hore dhaaawac ahaan loo qaaday halka dadka qaar ay sheegeen in isla goobta uu ku geeriyooday.

Dilka Caawa ka dhacay degmada Boondheere ayaa ku soo aadaya xili xalay Xaafada Odweyne ee Degmada deeyniile lagu dilay Macalin Bare ka ahaa Jaamacadda Soomaaliya.