Kooxo ku hubeysan Bastoolado aya waxa ay maanta Magaalada Muqdisho ku Dileyn Sedex Askari oo ka mid ah Ciidanka Dowlada.
Dilka Askartan aya ka dhacay Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Xaafada War Laliska ee Degmadaasi Deyniile.
Kooxda Dilka geystay ayaa la sheegay in weerar gaadma ah ay ku dileen Askartaasi, xilli ay Waardiye ka hayeen Guri uu dhismo ka socday oo ku yaalla Xaafaddaasi.
Waxaana la sheegay in Raggii ka dameeyay dilkaasi ay goobta isaga baxsadeen, iyagoo qoryihii ka qaatay Askartaasi.
Ma jiro illaa iyo iminka wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Deyniile oo ku aadan dilka Askartaasi.