Kooxo Hubeysann oo Gordhaw Muqdisho Ku Toogtay Laba Ruux

Reading Time: < 1 minute

Wararka anu ka heleyno magaalada Muqdisho aya shegeya in Kooxo ku hubysnaa bustoolado aya waxaa xaafad ku taalla agagaarka Warshada Baastada waxa ay ku dileen laba Nin oo la sheegay in ay ka tir sanaayeen Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa sheegey in Labada Askari la dilay loogu tegay Gurigooda,isla marakana dadkii ka dambeeyey dilkas ay goobta ka baxsadeen.

Askarta la dilay ayaa waxa ay ka tirsanaayeen Ciidamada Milateriga Soomaaliya sida aan wararka ku helnay inkasto wararka qaar ay shegayan in dadka la dilay ay aheyen dhalin yarada xaafadasi.

Dilka Askartaan ayaa ku soo aadaya xili habeen ka hor degmada Shibis lagu dilay Ruqiyo Abshir Gabbane ka mid aheyd xildhibaanada Maamulka koonfur Galbeed.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!