Kooxo Hubeysan oo Toogtay Mid Kamid Ah Dhalinyarada Sida Weyn Loga Yaqaano Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Wararka inaga soo garaya degmada Hilliwaa ee Gobolka Banaadir aya shegaya in kooxo ku hubeysan bastoolado ay toogteyn mid ka mid ah dhalinyarada sida weyn loga yaqano xaafada ku tedsan Ex-control Balcad.

Wiilka la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Cumar ayaa waxaa dadka degaanka ay sheegeen inuu ka mid ahaa dhalinyarada degmada ee sida aadka ugu wanaagsan abaabulka gaar ahaan xilliyada ay jiraan Ciyaaradaha iyo Banaanbaxyada.

Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka oo goobta uu dilka ka dhacay gaaray ayaa waxa ay daqiiqado kooban xireen halkaasi, waxayna qaadeen Meydka qofka la dilay.
Ciidamada ayaa halkaasi ka sameeyay baaritaano la xiriira qaabka uu dilka u dhacay, waxaanan jirin cid loo soo qabtay dilka ka dhacay degmada Hilliwaa.
Dilal qorsheysan ee muqdisho aya so badanaya iyado xaalada aman ee caasimada uu hada yahay mid an gacan lagu heynin oo la filan karo xaalad aman oo halis ku ah dadka shacabka ah.