Kooxo hubeysan oo qof shacab ah ku dilay Degmada Afgooye

Reading Time: < 1 minute

Gelinkii dambe ee Maanta ayaa rag hubeysan waxa ay dil ka geysteen Xaafad ka mid ah degmada afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dad ku sugan Afgooye ayaa u sheegay warbaahinta in Rag bustoolado ku hubeysnaa ay Xaafada Dhagaxtuur gaar ahaan agagaarka Daarta Macmacaanka ku dileen Nin Magaciisa lagu sheegay Asad Maxamed Qaasim (Asad Gaab)

Dadkii ka dambeeyay dilkaas ayaa goobta ka baxsaday,waxana gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya,kuwaas oo baaritaano halkaasi ka sameeyay wallow aan dilkaasi weli dad loo qaban.

Macada waxa uu ahaa ruuxa la dilay iyo cida ka dambeysay dilkaas,hayeeshee waxa uu ku soo aadaya xilli Maanta Goob ay ka socotay Xaflad aroos Bambaano lagu weeraray,waxana ka dhashay khasaaro dhaawac ah.

Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca dilal qorsheysan,waxaana Maalin ka hor degmadaas lagu dilay mid ka mid ah Maamulayaasha Iskuul ku yaalla.