Magaalada Gaalkacyo xarunta Gobolka Mudug waxaa ka dhacay Dilal la xiriira aano qabiil, qof kamid ah dadka Magaaladaas ayaa lagu dilay Suuqa Ariga Gaalkacyo, maleeshiyaad ku heyb ah Ninka la dilay ayaa afduubtay labo ruux oo kale iyaga oo ku dilay isla Magaalada.
Sida warbaahinta ay u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah, Maleeshiyada dilalka geysatay ayaa kasoo kala jeeda Koofurta Gaalkacyo oo maamul ahaan hoostagta Galmudug & Waqooyiga oo ah qaybta ay maamusho DG Puntland.
Ciidamada Ammaanka Dowlad-Goboleedyada Puntland & Galmudug ayaa billaabay howlgallo ay kusoo qabanayaan Maleeshiyaadka Dilalka aanooyinka ah ka geystay Magaalada Gaalkacyo xarunta Gobolka Mudug.
Gaalkacyo sanadihii dambe waxa ay ka xasilooneed dilalka aanooyinka wixii ka dambeeyay heshiiska Galmudug & Puntland ay ku gaareen in wadajir ay uwada howlgalaan ciidamada labada Dowlad-Goboleed waxaa meesha ka baxay dilalka maleeshiyo beeleedyada.
Saraakiil katirsan Dowlad-Goboleedyada Galmudug iyo Puntland ayaa sheegay in ay ku raad-joogaan maleeshiyaadkii dilka geystay, Gaalkacyo waxaa la hadal hayaa saddexda ruux ee lagu dilay Xarunta Gobolka Mudug.