Rag Bastoolado ku hubeysnaa ayaa fiidnimadii xalay gudaha Magaalada Hargeysa ku dilay Sarkaal Sare oo ka tirsnaa Ciidanka Milateriga Maamulka Somaliland, sida ay sheegayaan wararka laga helayo halkaas.
Dilkaas ayaa sigaar uga dhacay agagaarka Xerada Warshadda Kabista Hargeysa, waxaana ragga hubeysan ay Sarkaalka toogteen xili uu halkaas ku sugnaa, isagoona u geeriyooday rasaas lagu huwiyay.
Intaas kadib ragii hubeysnaa ee falka geystay ayaa goobta ka baxsaday, isla markaana waxaa halkaas tegay Ciidamo ka tirsan Booliska Somaliland oo goobta ka qaaday Meydka Saraalka la dilay.
Sidoo kale Ciidamada Booliska ayaa howlgalo kala duwan ka sameeyay xaafado ka tirsan Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, iyagoona ku raadinayay dableydii ka dambeeysay falkaas.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada Somaliland oo ay uga hadlayaan dilkii loo geystay Sarkaalka ka tirsnaa Ciidanka Milateriga iyo howlgalka ay sameeyeen Ciidamada, waxaana xusid in Hargeysa ay ku yar yihiin falalka amni darro ee dhaca.