Reading Time: < 1 minute

Kooxo hubaysan ayaa waxa ay Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaalia ku Dileen Isgooska Baar ayaan ee Magaalada Muqdisho waxaana goobta isaga cararay dablaydii dilka gaysatay.

Dablayda ayaa waxa ay wateen Bastoolado waxaana ay Askariga ka toogteen qaybaha Sare ee jirkiisa waxaana uu meesha yaalay Meedka Askariga Diqiiqado badan.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaalia ayaa Dilka ka dib goobta soo gaaray waxaana ay goobta ka qaadeen mayda Askariga la dilay waxaana loo qaaday xarunta Dambi baarista ee CID.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here