Kooxo dilal ka geystay degaano ka tirsan Mudug oo gacanta lagu soo dhigay

Reading Time: < 1 minute

Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa howlgal qaatay sideed maalmood waxaa ay ka sameeyeen degaano ka tirsan Gobolka Mudug si gaar ah degaanka Dhagtuur ee Koonfurta Mudug, halkaas oo ay ka dhaceen dilal qorsheysan oo loo geystay dad shacab.

Ciidanka howlgalka fuliyay ayaa gacanta kusoo dhigay 7 ruux oo rag oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dilal qorsheysan oo degaanka Dhagtuur iyo tuulooyin hoostega loogu geystay dad xoolo dhaqato ah, loona dilay arrimo la xiriira aano qabiil.

Saraakiil Ciidan ayaa ku warramay in maalmihii lasoo dhaafay ay Ciidanka amniga baadi-goob ugu jireen shaqsiyaadkaan gacanta lagu dhigay, waxaana sidoo kale howlgalka lagu qabtay qaar kamid ah waalidiinta ragga falalka geystay ee la raadinayay.

Dhammaan dadka lagu qabtay howlgalka laga sameeyay degaanka Dhagtuur ee Koonfurta Gobolka Mudug ayaa waxaa lagu xiray xabsi ku yaalla Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa waxaa ay sheegeen in dadkaan la Maxkamadeyn doono, maadaama loo heysto dilal loo geystay dad xoolo dhaqato ahaa, iyadoona dilalka dhacay ay isku badaleen dagaal geystay khasaaro kala duwan.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!