Kooxihii ku dagaalay tuulada SAAX-MAYGAAG oo la kala dhex galay

Reading Time: < 1 minute

Ciidanka Dowlad Goboleedka  Puntland, ayaa ku guulaysatay in si rasmiya loo kala qaado labadii dhinac ee ku dagaallamay tuulada SAAX-MAYGAAG, kadib markii halkaas ay booqdeen mas’uuliyiin ka tirsan Puntland.

Mas’uuliyiinta oo kaashanaya odayaasha dhaqanka labada dhinac, ayaa fuliyay amarkii ka soo baxay dowladda oo ku saabsanaa in laga guuro dhammaan dhulka lagu dagaallamay.

Cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland, ayaa sidoo kale ku sugan tuulada SAAX-MAYGAAG, kuwaas oo u xil-saaran in ay fuliyaan amarka dowladda, islamarkaana xaqiijiyaan nabad-geliyada degaankaas.

Sidoo kale, dowladda ayaa mamnuucday in wax degaamayn ah laga sameeyo dhul-daaqsimeedka SAAX-MAYGAAG IYO SANGE-JEBIYE, si loo xakameeyo colaadda ku salaysan muranka dhuleed ee u dhexaysa labada dhinac.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!