Kooxdii ka soo afduubtay dhaqaatiirta Kuubaan ah oo sheegtay lacag madax furasho ah

Reading Time: < 1 minute

Kooxda argagaxisada ah ee qafaashay dhaqaatiirka Kuubaanka ah oo kusugan dalka Soomaaliya ayaa maanta war ay ka soo saareen meesha ay ku haystaan dhaqaatiirta. Warkooda ayaa ay ku sheegeen in ay doonayaan in la siiyo lacag gaaraysa 1.5 Milyan oo lacagta Maraykanka ah.

Hadalka ka soo yeeray afduubayaasha ayaa waxa uu culeys dul saarayaa dowlada Kenya oo  ay dhaqaatiirtu u yimaadeen in ay shacabkeeda caawiyan. Dowlada Soomaaliya ayaa in mudo ah balan qaadaysay in ay soo deynayaan dhaqaatiirta lagu haysto gudaha Soomaaliya.

Waxaa jira tuhun sheegaya in qafaalashada Dhaqaatiirta  Kuubaanka ah ay fududeeyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya iyo qaar xiriir hoose la leh hogaanka hay’ada nabad sugida qaranka (NISA). Dhanka kale odoyaasha dahqanka ee Gobolka Gedo ayaa iyaguna sheegay in ka dhexwadaan afduubayaasha iyo dowlada Kenya dhexdhexaadin lagu soo daynayo dhaqaatiirta  laakiin ilaa hada waxba kama suragalin