Kooxdi Qas Wadayaasha Golaha Shacabka oo An Weli Quusan Xili Foodo iyo Buuq Ay isku Balaminayaan

Reading Time: < 1 minute

Iyado uu so idladay mooshinka Gudomiye Jawaari xili gudomiyaha uu qabsaday shaqooyinkisa caadiga aha aya waxa isku dayo kale oo lagu donayo buuq iyo foodo donaya in ay bilabaan kooxdi mooshinka waday ee xukumadu ka hoos jiray.

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka C/wali Ibraahim Muudey oo xalay war saxaafadeed u muuqday mid qas abuur ah soo saaray ayaa waxa uu sheegay inuusan waxba iska bedelin sharcinimada iyo habraacii uu ku socday Mooshinkii laga keenay Guddoomiye Jawaari, oo uu sheegay in lagu balansan yahay in Golaha la horkeeno maalinka Sabtida ah.

Sidoo kale Guddoomiye Muudey ayaa sheegay Guddoomiyaha Mooshinka laga keenay inaanu ku hadli karin magaca Golaha Shacabka, inta arrinta laga gaarayo go’aan.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!