Reading Time: 2 minutes

Kooxda Shabab aya soo bandhigtay qaar ka mid ah oday dhaqameedyadii soo xulay golaha shacabka ee dowladda federaalka kuwaaso ay u qabatay xaflad ay ugu magac dareen “Xafladda soo dhaweynta odayaasha dhaqanka ee ka towbad keenay ridada Qeybta koowaad” Xafladaha aya lagu wadaa sida aad ka dareemi karto in ay jiri doonaan qeybo kale oo soo socda.

Xafladda oo ka dhacday duleedka magaalada Muqdisho aya waxa ay markhaati ka dhigeysa awoodda sii kordheysa ee kooxda Shabab wuxuuna ujeedkooda ugu weyn uu yahay sidii ay kaalin uga geysan lahaayeen in xubno ka tirsan kooxda Shabab ay soo galaan golaha shacabka ee lagu wado in la soo doorta bisha Oktoober ee sanadka 2020.

Sanadkii 2017 iyo 2018 aya kooxda Shabab waxa ay dileen 54 ka mid ah oday dhaqameedyada iyo ergadii soo xushay xildhibaanada Baarlabaanka JFS, waxaa intaa kaddib ay bilaabeen oday dhaqameedyada in ay la macaamilaan kooxda Shabab maadaama ay dowladda federaalka sugi weysay amnigooda.

Kooxda aya waxaa si aad ah u kordhay awoodda ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho labadii sano ee ugu danbeysay iyadoo shacabka ay aaminsan yihiin in kooxda shabab iyo dowladda RW Kheyre ay leeyihiin gacan saar. RW Kheyre aya waxa hore ay Qaramada Midoobay ugu eedeysay in uu dhaqaale farabadan siiyay kooxda Al Shabab xilligaas oo ka mid aha shaqsiyaadka aad ugu dhow dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Kooxda Shabab aya sanadka 2019 ka qaaday ganacsatada iyo shacabka Muqdisho canshuur dhan 30 Milyan oo doollar sida ay sheegtay idaacadda VOA qeybteeda afka Soomaaliga.