Koox Qaswadayaal oo ku sugan Madaxtooyadda Soomaaliya islamarkaana ka shidaal qaato Dowladda Qatar ayaa waxaa ay Xooga saraayaan in Meesha laga tuuro Gudoomiye jawaari iyadoo la wada ogyahay in uu fashilmay mooshinkii laga keenay Gudoomiye Jawaari.
Fahad yaasiin oo ah Agaasimaha Madaxtooyadda Soomaaliya islamarkaana loogu yeero Milkiilaha Dowladda oo ah shaqsigga ka dambeeya Abaabulka iyo Qorsha Mooshinka ayaana wali ka Quusan waxuuna hada Qarashaad u balanqaadayaa Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya
C/wali Muudeey ayaa ah Isha Loo maraayo xildhibaanada waxaana sido kale lagu dul gambanayaa Kheeyre oo aad moodo in uu yahay maqaar saar meesha la dhigtay
Dowladda Qatar Danta ay ka leedahay Carqaladeeynta Soomaaliya iyo in jawaari meesha laga saaro ayaa ah in ay dooneeyso in ay Mashaariic Danteeda ah ka fuliso soomaaliya,sidaas oo ay tahay waxaa ay ka cabsi qabtaa hadi ay qalad Gasho in baarlamaanka la Horgeeyo,waana sababta Jawaari Mooshinka looga keenay
Shaqsi Qeeyb ka ah qaswayaasha Qatar soo dirtay ayaa la doonayaa in laga dhigo Gudoomiye baarlamaan hadii jawaari lagu guuleeysto Xilka ka qaadistiisa