Kooxda Qiyaano Qaran oo Laaluush Ku Bixineysa Burburka Golaha Shacabka

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaan Faadumo Odawaa Raage oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxa ay sheegtay in dalka uu galay xaalad adag, islamarkaana loo baahan yahay in la badbaadiyo.

Xildhibaanada ayaay sheegtay in dalka loo baahan yahay in la hormariyo, islamarkaana la iska dhaafo Mooshinka iyo laaluushka socda.

Madaxweynaha ayay ku eedeeysan in uu dayacay Sharciga iyo kala dambeynta ee nidaamka Dowladnimo.

Waxaa ay sheegtay in Gudoomiye Jawaari uu yahay hoggaan doorasho ku yimid, islamarkaana ay tahay nasiib daro in laga codsado in uu iscasilo, xilli laga rabay in uu sharciga ku baxo.

Madaxweynaha ayay sidoo kale sheegtay in kor kala socdo Khilaafka Golaha Shacabka oo uu raali ka yahay Khilaafka taagan iyo in Gudoomiye Jawaari uu meesha ka baxo.
Madaxweyne Farmaajo iyo Saaxibadiisa Qiyaano Qaran aya Dalka Qas ka wada iyago doonaya in guud ahan ay la wareegaan Golaha Shacabka.