Kooxda Qiyaano Qaran oo Isku Qilaafsan Shaqsi Farmaajo uu Abti u yahay oo lo Rabo Boskii uu Baneyay Jawaari.

Reading Time: < 1 minute

Waxa socda olole xoogan oo lagu donayo booski uu baneyay Pof: Maxamed Cismaan Jawaari ayaa waxaa durba soo baxaya shaqsiyaad ay kala wataan siyaasiyiin ay ka mid yihiin Shariif Xasan Sh. Aadan oo ah madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed,iyo Fahad Yaasin agaasimaha madaxtooyada,kheyre iyo farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul wasaare Khayre, Fahad Yaasin ayaa dhankooda wata Afar musharax una taagan qabashada Gudoomiyaha Baarlamaanka waxayna kala yahiin Xaaji Cali Sheekh Maxamed Nuur oo haatan ah Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha una dhashay Digil & Mirifle, ninka labaad waa Wasiirka Gaashandhiga Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman una dhashay Digil & Mirifle jufada , Luwaay, halka shaqsiga sedaxaad u yahay Maxamuud Macalin Yaxye.

Sidoo kale waxaa Jiro Musharax Madaxweyne Farmaajo wato oo uu Abti u yahay laguna Magacaabo Cabdicasiss Xasan Maxamed (Laftagareen) oo la rabo in uu ku guuleysto doorashada baarlamaanka.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Sheekh Aadan ayaa Musharaxa Gudoomiyaha Golaha Shacabka u wata Xuseen Maxamuud Shiikh Xuseen (Badni) oo udhashay Digil & Mirifle jufada , Dabare isaga oo dhankale u balan qaaday in Gudoomiyaha Baarlamaanka uu ka dhigi doono shaqsiyaad kale.