Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamo fara badan la dhigay caawa magaalada iyadoo la xiray wadooyinka muhiimka ah ee caasimadda.
Ciidamada Booliska, kuwa birmadka iyo NISA ayaa lagu arkayaa xarumaha waaweyn ee dowladda iyo wadooyinka, iyagoo ku hubeysan gaadiidka dagaalka, waxaana magaalada ka hor kulanka Baarlamaanka ee lagu muransan yahay inuu ka dhaco xarunta Baarlamaanka.
Xarunta baarlamaanka ayaa waxaa ammaankeeda sugaya ciidamadii ilaalada u ahaa oo dib loogu soo celiyay, laakiin waxaa amniga bannaanka xarunta, qeybo kamida iyo guud ahaan magaalada gacanta ku haya ciidamada Booliska iyo NISA, waxaana la joojiyey in la isaga gudbo magaalada oo laba dhinac loo qeybiyey.
Dhinaca kale kulamo aan kala go’ lahayn ayaa ka socda dhowr Xarun oo Madaxtooyada ku dhex yaalla, waxaana socda abaabulkii ugu danbeeyay ee labada dhinac ay wadaan. Xukuumadda iyo xildhibaannada taageersan ayaa xaqiijinaya tirada ay heystaan, iyadoo la filayo in xildhibaannada loo adeegsado Caawa dhaqaale.
Dhinaca xildhibaannada taageersan Guddoomiye Jawaari ayaa iyaguna isugu tegay Guriga guddoomiye Jawaari iyo guddoomiye ku xigeenka labaad Mahad Cabdalla Cawad, waxaana wararku sheegayaan inay ku taagan yihiin diidmada shirka iyagoo go’aansaday inay tagaan xarunta Baarlamaanka oo furaan shirka Berri oo ajendihiisu yahay Derbiga Kenya iyo xaaladda Beledxaawo.