Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho aya shegaya in Madaxtooyada Soomaaliya uu ka soconaayo kulan xasaasi ah oo u dhaxeeya Kooxda Qiyaano Qaran iyago ka arinsanaya Mooshinkooda Fashilmay iyo fadeexada heysata Maanta.
Madaxtoyada Soomaaliya aya waxa ku shirsan Madaxweyne Farmaajo,Kheeyre iyo C/wali Muudeey iyago ka arinsanaya Fashilka iyo ceeybta heysata iyo sida uu ugu badiyay Gudomiye Jawaari oo muujiyay in uu leeyahay shir gudoonka Golaha Shacabka.
Golaha Shacabka aya waxa maanta buux dhaafiyay Ciidamo taabacsan Xukuumada Soomaaliya iyado Gudoomiye Muudeey loo fasaxay Ciiidankiisa iyo hubkiisa iyado Xildhibaanada Taageerada u ah Gudoomiye Jawaari lo diiday in ay ciidankiooda la galaan.
Gudoomiye Jawaari oo arinkaasi ka carooday aya ku dhaqaaqay in uu sameeyo Ficil uu ku badbaadinayo afduubka Golaha shacabka lagu waday.
Waxa la filaya sido kale in ay isku dayaan in ay soo saaraan in ay jawaari Xilka ka qaadeen oo ay doonayaan in ay sii kiciyaan Xiisada Siyaasadeed ee haatan ka taagan dalka iyo Guud ahan Dalka.
Xiidanka Cukuumada aya Jidadka ugu Muhiimsan Muqdisho Xiratay iyago Cidey Doonaan Ciidanka u fasaxa halka kuwa Mooshinka Diidan lo diidayo in ay Ciidan la galaan.