Xiisada siyaasadeed ee golaha Shacabka aya cakiran waxana xildhibanada Mooshinka wada ee Xukumada tagersan ay isku dayayaan in ay abuuran khilaaf iyo buuq ka dhex dhasha Golaha Shacabka.
Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya, kana mid ah Xildhibaanada hormuudka ka ah Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiye Jawaari ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay eedeyn ka soo yeeray Xildhibaano, kaasoo ahaa in Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/wali Ibraahim Muudey in aanu dhex dhexaad ka aheyn mooshinka.
Waxaa ay sheegtay in Guddoomiye Muudey uu qabtay mooshinkii laga keenay Guddoomiye Jawaari, sidaas uu ku noqonayo ninka hoggaaminaya kulamada, iyo qaabka loo marayo maareynta Mooshinka.
Xildhibaano aya shalay ku shiray magaalada Muqdisho waxa ayna ku eedeeyen Guddoomiye Muudey in aanu dhex dhexaad ka aheyn mooshinka Jawaari, isla markaana la helo qof dhex dhexaad ka ah mooshinka oo shir guddoomiya kulanka looga doodayo mooshinka.
Kooxda qas wadayaasha ah ee Xukumadu gadaal ka riixeyso aya u muuqda kuwa naf lacaari ah oo an heysan tirada lo bahan yahay waxa ayna u muuqdan kuwo weji gabax kala kulmaya Golaha dhexdooda.