Kooxda Qas Wadayaasha oo Xirtay Waddada Makka Almukarrama iyo Wadooyin Muhiimka Ah (Muxu Qorshuhu Yahay)

Reading Time: < 1 minute

Waxa gabi ahanba xiran wadooyinka ugu muhiimsan ee Magaalada Muqdisho iyado Ciidamo kala duwan laso dhigay Wadooyinkaasi.

Wadooyinka gebi ahanba xiran ee Ciidanka laso dhoobay aya waxa ka mid ah Waddada Makka Almukarrama,KM0 ilaa KM5 – Zoobe.

Xirnaan shiyaha wadoyinkaasi aya waxa loga gol leyahay in Xildhibanada taageersan Gudoomiye Jawaari laga hor istaago in ay gudbaan,iyado kuwa kale ee Mooshinka wadana lo ogalaan doono inkasto ay sheeko kale ku hoos dugan tahay xirnaanshiyahaasi.

Madaxtooyada Soomaaliya aya sidoo kale waxa laso dhoobay Ciidamo ku afar jibaaran kuwi horay u joogay ee koofi guduuda ahaa.

Xaalka dalka aya u muuqda mid Kooxda Qiyaano Qaran doonayaan in ay galiyaan Xiisad dagaal iyo in dib loogu laabto wixi dhacay 1991-kii.