Iyada oo muuqato in shacabka Somaliyeed ka hor yimaadeen beenta iyo hogaan xumida Xukuumadda uu madaxda ka yahay Xassan Cali Kheyre ayaa waxa ay hadda bilaawday in ay dib u soo noolayso kooxda Qaaqlayaasha ama kooxda igu shubo ee loo kiraystay in ay noqdaan kuwa loo adeegsado in ay aaladaha warbaahinta iyo Baraha Bulshada ka cayaan cid kastaa oo dowlada dhaliisho. Kooxdaan oo ah koox colooshood u shaqaystayaal ayaa ku guul dareysay in ay wax ka badalaan dareenka shacabka. Waxaa lagu bixiyaa dhaqaale aad u badan oo laga bixiyay qasnadda Gobolka Banadir iyo lacagaha canshuurta ee laga qaadayo shacbka ku dhaqan Gobolka Banadir.
Kooxda Qaaqlayaasha Qaranka oo uu madax u yahay Wariye Cawil Dahir Salad ayaa saldhigoodu yahay hotel Jazeera- Muqdisho. Qaar ka mida waxaa la dajiyay oo ay ku nool yihiin Hotelka Jaziira halka qaar kale loo kireeyay guryo ku dhaw madaxtooyadda.
Ujeedka ugu weyn ee loo sameeyay kooxdaan ayaa ah in ay caayaan Siyaasiyiinta, madaxda Dowlad Goboleedyada, culimaada iyo dadka kale ee aan ku qanacsanayn qaabka dalka loo hogaaminayo. iyo wada uu ku socdo. Hadaba madaama ay fashil ku dhaamaatay kooxdii hore ee Qaaqlayaasha ayaa waxa uu Xassan Cali Kheyre bilaabay in uu dib u habeen ku sameeyo kooxdaan kuna soo kordhiyo xildhibaano, wasiiro iyo siyaasiyiin laga soo kireystay dalka Kenya .
Kooxda Qaaqlayaasha ee uu madaxa u yahay Wariye Cawil Salaad waxaa ka mida;
Maxamed Xaaji Ingiriis, Maxamed Xuseen Awliyo, C/hi Xaaji C/weli (Telefoon), Cali Daacuun, Cade Xassan Cali Gaaboow, Gureey Xaaji Xassan, Mustaf Dhuxulow, Farax Macalin , C/shukuur Calu Mire, Cali Maxamed Geedi, A. Maxmed Gacal, Cabidiraxmaan Diinaari, Xuseen Idoow, Salaad Cali Jeele, Abdinasir Sole, Cabdi Shire Ciyaar Jecel. Sidoo kale waxaa kooxdaan lagu soo daray wasiiro oo ay ka mid yihiin , Adan isaqa, Xayir, Godox iyo Khadiijo Diriye.
Kooxdaan ayaa shaqada ugu horeeysa oo ay qaban doonaan tahay in ay dagaal dacaayad ah ku bilaabaan siyaasiyiinta uu u horeeye Xassan Sh. Maxamuud iyo Madaxda Dowlad Goboleedka.