Kooxda ISIS/Dacish oo sheegatay qaraxii Boosaaso 

Reading Time: < 1 minute

Kooxda ama Ururka la magac baxay Dawladda Islaamka ee Daacish oo marka la soo gaabsho loo yaqaabo ISIS ayaa war ay soo saareen waxay ku sheegateen Masuuliyada weerarkii lagu qaaday Wasiir hore Shire Xaaji Faarax oo maanta gaarigiisa qarax lala eegtay isaga oo maraya gudaha magaalada  Boosaaso.

Warkaan oo ay maanta baahiyeen waxay sheegeen in ay dhaawaceen 2 ka mid ah ilaalada Wasiirka hore, ilaa iyo hadda ma jirto   wax war ah oo kasoo baxay dawladda Puntland oo ku aadan qaraxa saaka dhacay.