Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in xalay magaaladaas lagu dilay muwaadiniin u dhashay dalka Itoobiya.
Dilka ayaa dhacay xalay abaare 9kii fiidnimo, xilli ay fadhiyeen meherad ku taalla xaafad u dhow dekedda, halkaasoo rag hubaysan ay rasaas ku fureen.
3 qof oo Itoobiyaan ah ayaa la xaqiijiyey in ay dhinteen, halka mid kalena uu dhaawacmay, sida uu BBC u sheegay duqa magaalada Boosaaso, Cabdisalaan Bashiir.
Wuxuu intaa ku daray in raggii falka gaystay ay baxsadeen.
Laamaha amaanka, maamulka gobolka iyo kan degmadaba waxay sheegeen in la wado baaritaan lagu ogaanayo cidda ka dambaysa dilkaas.
Xaafadda uu dilka ka dhacay waxaa u badan dad u dhashay Itoobiya, kuwaasoo badankood u yimaada Boosaaso in ay ka sii tahriibaan.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in koox gacansaar la leh kooxda dawladda islaamiga ay sheegteen inay dilka dadkaas iyagu ka dambeeyeen.
Todobaadyo ka hor ayey ahayd markii askar ka tirsan madaxtooyada Puntland lagu dilay magaalada Boosaaso.
Al Shabaab iyo kooxda dawladda Islaamiga oo iyaga qudhooda ay xurguf ka dhaxayso ayaa labadaba dilal ka fuliya magaalada Boosaaso.