Kooxda Gurmadka Miyay Xaden Lacagihi Fatahada Logu tala galay,Dadku Gurmad Ma Heytaan,MW/Farmaajo Kaliya Sawir Miyad u Tagay Baladweyne

Reading Time: < 1 minute

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in la lunsaday lacagihii ay DFS ugu talogalay fatahaadaha Wabiga gaar ahaan kuwii la geeyay magaalada B/weyne.

Sida la sheegay DFS ayaa 100 kun oo doolar sheegtay in ay ku wareejisay Maamulka Hirshabeele, balse illaa iyo hadda ma jirto cadeyn muujineysa cid wax loo qabtay.

Lacagahan ayaa la tilmaamay in aysan bannaanka usoo bixin, lamase oga in Shaqsiyadka lo xilsaray barnaamijka Gurmadka Dadka fatahada uu sameyay in ay iyaga isku maamuleen lacagtaan iyo in kale.

Dadkii ka barakacay B/weyne weli ma haystaan meello ay gambaad ka dhigtaan iyo raashiin ay cunaan.

Dowlada Soomaaliya waxay sheegtay in gurmad geynayso B/weyne laakiinse wax la hubo lama hayo, dedaalkana wuu gaaban yahay.

Dadka ku nool Baladweyne aya ku jira Xallad halis ku ah noloshooda,dayaacaada dowlada aya ah arin ay Shacabka la yaaban yihiin ila iyo hada,maadama dadki wax laga sugayay aysan dhaqaaqin ficil an booqasho ka aheyna ma jiro.