Kooxda gooni isu taagga NFD oo la sheegay in ay taageero dhaqaale ka helaan Villa Somalia

Reading Time: < 1 minute

Sida laga soo xigto siyaasiyiin Kenya ah, waxaa soo ifbaxaya tuhunka ay dowladda Kenya ay rumeysan tahay in dalal shisheeye iyo dowladda Soomaaliya ay ka dambeeyaan kooxda gooni u goosed ah oo kasoo ifbaxday gobolka Waqooyi Bari Kenya ee ay degan yihiin Soomaalida.

Kenya aya sheegtay in dalalka taageeraya kooxda cusub oo la magac baxday xisbiga madax-bannaanida NFD, ay yihiin kuwa sidoo kale Soomaaliya ka gacan siinaya kiiska maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ee badda Soomaaliya ayaga oo eeganaya danahooda.

Dalalka ay sheegtay Kenya inay Soomaaliya ka tagaeerayaan kiiska badda ayaa la sheegaya in ka leeyihiin dana gaar ah, waxaana ka mid ah Turkey iyo Qatar sida laga soo xigtay siyaasiyiin Kenyan ah.

Kenya ma aysan shaacin habka ay dalalkan uga dambeeyaan kooxda cusub ee gooni u goosadka gobolka Soomaalida Kenya iyo danta ay ka leeyihiin. Balse waxa la sheegay in Kenya ay hayso caddeeymo in dowadda Qatar ay ku bixineyso dhaqaale doorashada la filaayo in ay ka dhacdo Jubbaland si halka ay gacanta ugu dhigto dowladda Qatar si ay u hesho ceelasha saliidda ee dacwada uga furan tahay dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Kulanka dhowaan Nairobi ka dhacay, oo ay ka qeyb galeen saraakiisha amniga iyo siyaasadda dowladda Kenya, ayaa looga hadlay siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka Waqooyi Bari oo ka qeyb-galay kulamada kooxdan iyo lacag la sheegay in kooxdan ay ka hesho ganacsato Soomaali ah iyo Xafiiska MW Farmaajo. Waxaa si gaar ah loogu daba jiraa Qareen u dhashay Kenya oo ay isku hayb yihiin MW Farmaajo iyo Fahad Yasin oo ah xiriirka kooxda wada mashruucan iyo dowladda Qatar.

Kooxda madaxbanaanida NFD oo weli aan tiradooda la ogeyn, ayaa dhowaanahan dhaqdhaqaaq ka billaabay baraha bulshada, ayaga oo dib usoo nooleeyey rabitaankii gobolka Waqooyi Bari ee ahaa inay ka go’aan Kenya.