Kooxda Farmaajo oo diyaarisay Shaqsigii Lagu Bedeli Lahaa Madaxweyne Shariif Xassan Shiikh Aadan??

Reading Time: 2 minutes

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xassan sheikh aadan ayaa waxaa hadda kusoo Wajahan Duulaan siyaasadeed oo xoogan islamarkaana si Wadajir ah ay usoo abaabuleen Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah Ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo,Xassan Cali Kheeyre,Iyo Fahad yaasiin Xaaji Daahir.

Kulamo Gooni gooni ah oo dhacay ka hor inta uusan dalka ka dhoofin Madaxweyne farmaajo ayaa lagu Go’aamiyay shaqsigga Bedeli Lahaa Madaxweyne Shariif Xassan ka dib Wada=tashiyo kala duwan oo dhacay,waxaana la isku raacay in Shariif Xassan Marka Hore laga Taqaluso.

Kooxda Abaabulan ee uu kabiirka u yahay Madaxweyne maxamed C/laahi Farmaajo ayaa doonaayo  in Yuusuf Macalin baadiyoow oo u dhashay Beesha liisaan Lagu Bedelo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xassan sheikh Aadan.

Yuusuf Macalin Baadiyoow ayaa soo Noqday Wasiirka Gaadiidka Iyo Wasiirka Beeraha Xukumadahii Farmaajo 2011 Iyo Xukumadii C/wali Shiikh Axmed 2014,Waxaana uu ilmo Habreed la yahay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xassan Shiikh Aadan.

R/wasaare Xassan Cali Kheeyre oo Qorshahaani kazoo maaxday ayaa la Kulmay Yuusuf waxuuna sidoo kale Kullan Gooni ah la qaatay Madaxweyne Farmaajo intaasi ka dib waxaa loosii gudbiyay Fahad yaasiin taasi oo cadeeyn u ah in Go’aanka Dowladda uu gacanta ugu Jiro Kooxda Qiyaano Qaran ee Fahad yaasii  Hogaamiyo.

 

Intaasi ka dib Kullan 4-geesood ah oo la qaatay Ayaa Yuusuf Macalin Amiin (BAADIYOOW) loogu balan-qaaday in laga Wareejin Doono shariif xassan islamarkaana Lagu Bedelo doono.

Xogta aan Helnay ayaa waxaa ay durba sheegeeysaa in Yuusuf uu Bilaabay Kicinta shaqsiyaadka ku heeybta ah ee u dhashay Beesha Liisaan Asigoo magacaabay Gudi uu Qeeyb ka yahay Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur.

  

Duminta Iyo Qalalaasaha Lagu Haayo Maamul Goboleedyadda ayeey tani qeeyb ka  tahay waxaana laga cabsi qabaa in Arinkaani ay ka dhiliso Deganaanshiyo La’aan waxaana la hubaa in meel xun ay gaari doonto hadii uusan Madaxweyne Ka Joogin Falkaan Guracan