Kooxda Daacish oo Lacag Canshuur ah ka Dalbatay Ganacsatada Magaalooyinka Muqdisho Iyo Boosaaso iyo Awood Muuqato oo ay!!

Reading Time: < 1 minute

Kooxda Daacish oo  kusii faafeeyso dhulka Soomaalida ayaa waxaa ay hada bilaawday  in ay lacago canshuur ah ka qaado ganacsatada magaalooyinka Muqdisho Iyo Boosaaso.

Wararka aan ka heleeyno Boosaaso ayaa waxaa ay Tibaaxayaan in Arinkaasi uu si xoogleh ku socdotan ayaa cabsi galisay bulshada iyo ganacsata Boosaaso ayaa timi kaddib markii saraakiisha Daacish ay bilaabeen In ay soo wacaan maamuleyaasha ganacsatada magaalada, iyaga oo ku amray in ay bilaabaan bixinta Zakada iyo Canshuurta,waxeeyna welwel gelisay ganacsato.

MUQDISHO ONLINE ayaa sidoo kale qaar ka mid ah Ganacsatada oo la hadlay waxaa ay u sheegeen  in maalin walbo loosoo diro fariimo joogto ah oo loogu sheegaayo in lacag laga rabo cadadkaas gaareeysa,fariintuna uga Timid Daacish-ta Soomaaliya.

Daacish waxaa ay Dilal kala duwan oo qaarkood Muuqaallo laga duubay ka fulisay Magaalooyinka MUQDISHO iyo BOOSAASO,waxaana ay hadda ganacsatadu ku qasban yihiin in ay bixiyaan lacagahaasi lagusoo sheegay,maadaama aysan jirin Maamul Awod-leh oo damaanad qaada.

Hoggaamiya Kooxdaas Cabdulqaadir Muumin oo ka soo jeeda Deegaanada Maamulka Puntland ayaa waxaa ay culeeys kala kulmayaan Ganacsatada Boosaaso,waxaana Muqdisho laga cabsanayaa in ay la kulmaan cadaadis kaas la mid ah.

MUQDISHO ONLINE ayaa horay idinkusoo baahisay Maqaallo aan uga hadleeynay Taranka Kooxda Daacish,waxaana suuragal ah in ay kusii xoogeeysato deegaano aysan hada ku sugneeynin

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!