Kooxda Daacish oo falalka ugu badan Ee dilalka ah ka fulisa Magaalada Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Sida aan xogta ku helnay kooxda Daacish ayaa fulisay dhowr dil kuwaasi oo todobaadkaan ka dhacay Magaalada waxaana la Xaqiijiyay in dilaalkaasi loo geeystay rag la sheegay in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab.

Dhawaan waxaa xaafada cola-cola Ee degmada yaaqshiid lagu dilay labo macalin kuwaasi oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen Daacish intaasi ka dib waxaa la dhacay dilalka kale oo xaafadaasi laga fuliyay.

Sidoo kale maalin ka hor dil ka dhacay xaafada suuqa-xoolaha waxaa loo geeystay macalin la sheegay in uu ka tirsanaa Al-shabaab waxaana dilkaasi fuliyay rag ka tirsan Al-shabaab Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa shalay lagu dilay maamule iskuul isna waxaa sheegay in uu ka tirsanaa Daacish sidaasna Al shabaab u Doreen.

Waxaa muuqata in uu xoogeeysanaayo xifaaltanka kooxaha shabaab iyo Daacish, dowlada soomaaliya ayaaana arintaani wax dabagal ah oo xoogan ku sameeyn

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!