Kooxda Ceelwaaq lagu Doortay iyo tan Garbahaarrey Yaa Sharci Ku jooga? Akhriso.

Reading Time: 2 minutes

In muddo ah waxaa lagu muransan yahay cidda sida saxda u mataleysa shacabka Gobolka Gedo, taas oo ka dhalatay falfalxumada Madaxdweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmajo.

Heshiiska inta badan ay cuskadaan labada koox wuxuu dhigayaa in labad goobood oo dowlad goboleedka ka tirsan in lagu qabto doorashada, waana sax in sidiisa loo raaco haddii aan laga baqeyn xaalad amnidarro markaas oo mudnaanta la siinayo amaanka iyo nolosha dadka.

Cid waliba waxay xusuusata wixii Balatweyne ka dhacay oo haddii doorashada laga wareejin lahaa la qabo in laga badbaadi lahaa inay dhintaan dad Somaliyeed oo masuuliyiin iyo shacab leh, inkastoo mar waliba ay qadarta Alle qoran tahay, haddana sida qadarta loo qoray ayaa dadaalkana la is faray.

Taas ayaa keentay in Ceelwaaq oo ka ammaan badan degmada Garbahaarrey la geeyo doorashada iyadoo ay isla gobolka yihiin, kana wada tirsan dowlad goboleedka Jubaland.

Haddaba aynu eego waxa ay wadaagaan iyo waxa ay ku kala duwan yihiin labada kooxood ee kala yimid Garbahaarey iyo Ceelwaaq.

  1. Xildhibaanada Ceelwaaq waxay haystaan ogolaanshihii Dowlad Goboleedka oo waxaa saxeexay waraaqa lagu soo gudbiyey xildhibaanada Ceelwaaq Mw Axmed Madoobe, kuwa Garbahaarrey ma heystaan saxeexaas oo ah waxa sharci ka dhigaya Xildibaanada Ceelwaaq, laakiin Kuwa Garbaharrey aan dhigeyn.
  2. Ceelwaaq Waxay haystaan ogolaanshaha labada Guddi doorasho ee FIET iyo SIET, kuwa Garbahaarrey ma haystaa oo koox yar oo ka falliirantay gudiga oo dano gaar ah racay ayaa soo macmalay ayaa la leeyahay taas oo ka qaadeysa sharciyada.
  3. Xildhibaanada Ceelwaaq waxaa ogolaaday Xoghaynta Golaha shacbiga oo siisay kaararka aqoonsiga, kadib markii ay shahaada kala yimaadeen gudiyada Dorashada, hasa yeeshee kuwa Garbaharrey kuma iman sidaas ee waxay sheegayeen inuu qof kale u siiyey kaararaka aqoonsiga, taasina waxay ka dhigeysaa Sharcidarro.
  4. Xildhibaanada Ceelwaaq waxaa aqoonsaday kadib markii uu hubiyey, u eegay inay waafaqsan yihiin sidii uu isaga ku yimid gudoomiyihii Ku meelgaarka ahaa ee golaha shacbiga oo qabtay doorashada gudoonka barlamanka, laakiin kuwa Garbahaarrey ma uusan aqoonsan oo kuma iman waddadii uu isaga ku yimid.
  5. Halka wax ay wadaagaan waa iyagoo aan gobollo kale laga keenin ee waxay ka yimaadeen gobolka Gedo ee Maamul Goboleedka Jubaland.

Sidaas darted,  si aan u noqonno ummad sharci ku dhaqmi karta waxaa laga rabaa guddoonka cusub ee Golaha shacbiga, gaar ahaan gudoomiye Sh Aden Madoobe inuu sharciga raaco oo xildhibanada Ceelwaaq ay shaqadooda iyo matelaadooda qabsadaan halkaasna lagu xero dooda gobolka Gedo.

Kooxda Farmajo ee halkaas qaska ka sameysay waxaa u haray maalmo kooban waxayna ka meyran doonaan Farmajo dhibka uu reer Gadoodka u abuuray,  waana  inay ka bogsadaan oo walaalahooda Somaliyeed wax la qeybsadaan, lana qabsadaan.