Kooxda Al Sunna oo taageertay go’aankii DFS

Reading Time: < 1 minute

Kooxda Al Sunna oo tixraacaysa qoraal ka soo baxay Wasaraada Arimaha Gudaha ayaa soo saartay warmurtiyeed  kaas ayaa lagu sheegay  Dhuusamareeb lagu qaban doono in doorashada madaxtinimada Galmudug bisha Julaay afateeda

Qoraalkaan ayaa waxa soo saaray   Sheikh Shaakir oo watashiyo la wada Wasiir Sabriye oo ku sugan Dhuusamareeb. Shiikh Shaakir ayaa taageeraya war-saxaafadeedkii Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in doorashada madaxtinimada Galmudug la qaban doono 4July 2019,  laguna qaban doono magaalada Dhuusamareeb.

AL Sunna ayaa  ugu baaqay shacabka Galmudug  in ay taageeran doorashada xukuumadda Soomaaliya ay ka qabanayso dowlad goboleedka Galmudug islamarkaana u istaagan midnimada wadajirka iyo ilaalinta heshiiskii Madaxtooyada Soomaaliya lagu saxiixay ee midaynta Galmudug.