Kooxda Al-shabaab oo weerartay saldhigyo ku yaala Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro Dagaalyahano Ka Tirsan  Al-shabaab ay xalay ku qaadeen Saldhigyo Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku leeyihiin Magaaladda Muqdisho iyo duleedkeeda.

Weerarka koowaad ayaa lagu qaaday Saldhig Ciidamadda Dowladda ay ku leeyihiin Degmadda Yaaqshid ee gobolka Banaadir,waxaana la xaqiijiyay in shabaab iyo Ciidamaada dowladda ay saacado halkaas ku dagaalameen.

Dhanka kale dagaalyahano ka tirsan Shabaab ayaa weerar ku qaaday Saldhigga degmada Garasbaaleey, halkaas oo dagaal in muddo ah qaatay uu ku dhexmaray ciidamada police-ka iyo dagaalyahanada weerarka qaaday.

Warhaahinta shabaab ayaa laga baahiyay in weeraradda ay u dhaceyn  sidii loogu talagalay,islamarkaana khasaare la gaarsiiyay ciidamadda dowladda.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay hay’adaha amaanka oo loogu hadlaayo weeradda Xalay lagu qaaday Saldhigyadda Ciidamadda Dowladda.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!