Kooxda Al Shabaab oo Weerar Ku Qaaday Ciidamo Ka Tirsan Dowlada oo Ku Socdalayay Inta u Dhaxeysa Jowhar iyo Balcad

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imanaya Magaalada Balcad aya shegaya in Deeganka Ilbaq oo hoos imaada Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha aya shegaya in Gaari ay Wateen Ciidamo katirsan Dowlada ay Wadada u Galeen kooxda Alshabaab.

Gaariga oo ahaa kuwa dagaalka ee Cabdi bile lo yaqaano oo ay Wateen Ciidanka Dowlada ay Gubeen Alshabaab,Wararka ayaa intaa ku daraya inuu jiro Qasaaro kala duwan oo soo kala gaaray Dhinacyada Dagaalamay.

Dadka deeganka aya shegaya in ay dhinteen 5 askari oo lasocday Gaariga la gubay sidoo kalena uu dhaawac soo gaaray Dad Shacab ah oo ka ag dhawa Goobta ay wax ka dheceen kuwaa soo hada lagu daweynayo MCH Ku yaala Tuulada Gololeey ee degmada Balcad.

Alshabaab aya inta badan weeraro wado gal ah ka fuliya Wadada xiriirisa Balcad iyo Jowhar kuwaasi waxyeelo ku gaarsiya ciidanka Dowlada ee wadadaasi isticmaala.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!