Kooxda Al Shabaab oo Shegtay In Ay Isku So Diibeyn Ciidamo Ka Tirsana Maamulka Axmad Madoobe

Reading Time: < 1 minute

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay inay isku soo dhiibeen lix askari oo ka tirsanaa ciidamada Jubbaland ee ku sugan Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Askartaan ayaa Shabaab waxa ay sheegeen inay iska soo dhiibeen degaanka Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Shabaab sida ay sheegeen.

Al Shabaab waxa ay sheegeen askarta isa soo dhiibtay inay ku hubaysnaayeen qoryaha Ak47 iyo Boosashkooda, waxaana muddo ay xiriir la sameynayeen kadib u suuragashay inay maanta Shabaab isku soo dhiibaan.

Warbaahinta Al Shabaab ayaa sheegtay in deegaanka Ceel-cadde lagu soo bandhigay askarta isa soo dhiibtay oo sababta Maamulka Jubbaland ay uga soo goosteen ku sheegay dhibaatooyin kala duwan oo ay kala kulmeen Maamulkaasi.
Al Shabaab ayaa dhawr mar sidana oo kale askar kala duwan ugu soo bandhigay deganada Jubbooyinka iyo Gedo, kuwaasi oo ay sheegeen inay ka soo goosteen Maamulka Jubbaland.