Kooxda Al Shabaab oo Sheegtay Masuuliyada Qarax Miino oo Lagu Dilay Xildhibano Iyo Wasiiro

Reading Time: < 1 minute

Iyado goor sii horeysay oo maanta ah qarax miino lagu dilalay laba masul oo ka tirsana maamulada Hirshabeele iyo Koonfur galbeed aya waxa weerarkasi shegtay kooxda Al-shabaab.

Qaraxan oo gelinkii dambe ee maanta ka dhacay inta u dhaxeysa degmooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn oo ka tirsan Shabeellaha Hoose.
Masuliyinta Qaraxa lagu dilay aya kala aha Wasiiru Dowlihii Amniga Maamulka Koonfur Galbeed C/qaadir C/raxmaan Cali (Baraf) iyo Axmed Cabdi Faarax (Kaboweyne) oo ahaa xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle.

C/qaadir C/raxmaan Cali ayaa ka mid ahaa wafdi uu hoggaaminayay Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo maanta safar shaqo ku tagay degaanka Bali-doogle ee degmada Wanlaweyn, balse Wasiiru Dowlaha iyo xubno kale ayaa safar dhulka ah ku soo aaday dhanka Muqdisho, inta ay wadada ku soo jireen ayay qabsatay Miino dhulka lagu aasay gaarigii uu watay Wasiiru Dowlaha, isla goobta ayayna ku geeryoodeen Wasiirka iyo xildhibaanka.

Al Shabab waxay sheegeen masuuliyiinta ay beegsadeen in ay soo abaabuleen weerar bilo ka hor ka dhacay degaanka Jameeco Jilyaale oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe, kaasi oo Shabaabka ay sheegeen in Ciidamo Mareykan ah ay ku xasuuqeen Caruur wax ka baraneysay Machad lagu magacabo Islaami ah.