Kooxda Al Shabaab oo Sheegtay in Ay Ragi Weerarki Xalay Fuliyay Ay Dib u Laabteyn Iyago Nabad Qaba

Reading Time: < 1 minute

Warar ay barahoda waraka ku baahiyen Al-shabaab ayaa looga hadlay weeraradii xalay siyaabo kala duwan uga dhacay magaalada muqdisho khasaaraha rasmiga ee ka dhashay.
Waxa ay shegayn in qaar kamid ah ragii Fuliyay weerarka ay dib uga laabteen goobta weeraku uu ka dhacay.

“Qaar Kamid ah ciidamadii weerarka fuliyay si nabad gelya ah ayay goobta dagaalka dib uga soo laabteen goobahii markii horey ay ka duulaan tageen ” ayay shegayn al shabaab

Dhanka kale Wasaarada Amniga soomaaliya ayaa sheegtay in laga hortagay rag gaarayay 5 ruux oo doonayay iney la wareegaan xarunta Taalada Dhagaxtuur, halkaana lagu khaarijiyay shanta ruux.

Khasaaraha ka dhashay weerarkaasi ayaa Warbaahinta muqdisho ku sheegtay ilaa 19 ruux oo saraakiil askar iyo shacab ay is kugu jiraan, inastoo ay jiraan dhaawacyadii xalay qaarkood iney dib u geeriyooden.