Kooxda al-shabaab oo sheegatay weerarii xalay ka dhacay boosaaso

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ayaa sheegayo in Weerarkii ay  xalay kooxo hubaysan ku qaadeen isgoyska Gaaca ee magaaladda Bosaso ee xarunta gobolka Bari uu  Askari ka tirsan Booliiska Puntland ku dhintay, 4 qof oo kalena dhaawacyo ayaa ka soo gaaray

Wararku waxay sheegayaan in kooxda hubaysan  ay gaadmo ku dileen hal askari, laba kalena ay dhaawac u gaystay, kadibna waxaa xigtay Bambo gacmeed ay tuureen  iyo rasaas xoog leh oo socotay qadar daqiiqado ah.

Sidoo kale laba qof oo shacab ah ayaa  ku dhaawacmay qarax ka dhashay Bambo gacmeedka iyo rasaasta ay iswaydaarsadeen Ciidamada amniga iyo kooxdii weerarka soo qaaday. Laamaha amniga Puntland weli kama aysan hadlin dhacdada,hase yeeshee malayshiyaadka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaasi.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!