War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al-SHabaab ayay ku sheegatay Mas’uuliyadda qaraxyo is xigxigay oo maanta barqadii ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.
Al Shabaab waxay sheegtay in laba qarax ay labeegsatay ciidamada dowladda kadib ay ciidamadeedu ay xoog ku galeen dhismayaasha wasaaradaha shaqada shaqaalaha iyo Howllaha guud oo kuyaal meel aan ka fogeyn isgoyska Jubba ee degmada Shagaani.
“Ciidamada Mujaahidiinta ayaa howlgal ballaaran ka wada xarumaha wasaaradaha Dowladda howlgal aad u xooggan ayaana socda” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Xarakada Al Shabaab.
Rasaas xooggan ayaa laga maqlayaa dhismayaasha wasaaradaha ee ay gudaha ugaleen ciidamada Al Shabaab.
Weeraradan ayaa ka socda goob ammaankeeda si aad ah loo ilaaliyo waxayna imaanayaan laba maalmood kadib markii ciidamada Dowladda ay sameeyeen gadoodka dhanka Mushaaraadka ah.