Kooxda Al Shabaab Oo Sheegatay Dilal Ka Dhacay Shalay Magaalada Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Xarakadda Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda dilal shalay ka dhacay magaaladda muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Weerarka koowaad ayaa ka dhacay agagaarka dhismaha Warshadda Caafi ee Wadada Warshadaha,waxaana halkaas lagu beegsaday labo askari oo ka tirsan Ciidamadda minishiibiyadda Dowladda hoose.

Hal askari ayaa dhintay, halka mid kale isagoo dhaawac ah uu goobta ka baxsaday, sida ay inoo xaqiijiyeen goob-joogayaal.

Weerarka labaad oo ahaa mid dil ah waxey xoogag katirsan Al Shabaab  ka fuliyeen Xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan waxeyna ku khaarijiyeen Sarkaal ka tirsanaa Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo ilaaladiisa.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Hay’adaha amaanka Dowladda Soomaaliya oo loogu hadlayo weerarkaan lagu dilay askarta iyo saraakiisha.

Al-shabaab ayaa kordhiyay mudooyinkii dambe dilalka qorshaysan ay ka fuliyaan gudaha magaaladda Muqdisho.