Kooxda Al Shabaab oo Shabeelaha Hoose Ka Bilaabay In Dadka Beeraleyda Ah ee Ka Hor Istaagan Tacbashada Beeraha

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imanaya Gobolka Shabeelaha Hoose aya shegaya in Kooxda Al Shabaab ay dadka shacabka u diideyn Falashada Beeraha iyado al shabaab dadka ka hor istaageyn in beerahooda ay fashaan.

Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose Ee Dowlad Goboledka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa uu Shaaca ka Qaaday in Dagaal yahanada Al-shabab ee ku Sugan Qeybo ka mid ah Gobolkaasi ay Bilaabeen In dadka Bera falatada ah ay ka hor istaagaan Tabcashada Beeraha.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka gobalka Shabeelaha Hoose Xassan Abuukar Jimcaale ayaa sheegay in Shabaab ay dhibaato badan ku hayaan dadka Beera falatada ah ee ku nool degmooyinka ay maamulaan.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in Shabaab ay shacabka u diideen Tacbashada Beeraha, taasina ay dhibaato ku noqotay dad badan oo beeraley ah oo tacbashadaasi ku nolaa.
Al Shabaab aya inta badan cadaadis ku saara dadka in joojiyaan waxyaabaha u hoseedi kara in nolol helaan taa badalkeedana fara in qoriga la qaato oo la dagaalamo.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!